Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Kenya oo Keymaha Boni ku dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada milateriga Kenya ayaa sheegay iney saaka weerareen xero ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab oo ku taala Kaymaha weyn ee Boni oo ku taalla gobolka Lamu kuna dhow xadka Somalia.

Afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay hpowlgalkaas sida ay sheegeen ciidamada Kenya  waxayna goobta weerarka ka heleen qalab isgaarsiineed iyo hub kala duwan.

Intii lagu gudajiray weerarka, ciidamadu waxay sheegeen in ay qabteen hal nin oo ka mid ahaa dableyda Alshabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Afar maalmood ka hor afduubtay oo qoorta ka jartay nin odey ahaa oo kasoo jeeday degmada Wajeer ee gobolka woqooyi bari Kenya.

Keymaha Boni oo ku yaalla meel u dhexeysa xadka Somalia iyo gobolka xeebta Kenya ee Lamu ayaa waxaa muddo dheer fariisimo ku lahaa Al-shabaab oo halkaas ka soo qaaday weeraro kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska oo War cusub ka soo saaray gabar la sheegay iney isku dishay Muqdisho

Caydiid Ali

DF oo heshiis la saxiixatay shirkad uu leeyahay Elon Musk

Caydiid Ali

Labo Diyaaradood oo ka qeyb qaatay Dagaalkii 2-aad ee Dunnida oo hawada iskula dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---