Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Hirshabelle oo sidii la filayay Mudo kororsi sameestay iyo Sababta keentay

Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa sameestay mudo kororsi kadib markii Xildhibaanada cod aqlabniyad leh ku meel mariyeen ajandahii kulanka la horkeenay.

Kulanka maanta yeesheen Baarlamaanka Hirshabelle uu gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka  Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed  ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax kabadalka mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa laga hor akhriyay Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo Ka hadlaaya Awoodaha Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle u leeyihiin wax ka bedelka mudo xileedka.

Dood dheer kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay in mudo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha maamulkaasi laga dhigo mudo shan sano ah halka markii hore afar sano ka aheyd.

Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle  Cabdixakim Luqmaan dayaa ku dhawaaqay in wax ka badelka mudo xileedka ogolaadeen  66 xildhibaan, halka ay diideen  3, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan.

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa horey loo hadal hayay in mudo kororsi sameesan doonaan si waqtiga dhacitaankooda uga bedelaan xiliga inta badan Doorasahada Soomaaliya iyo xaalada kala guurka kusoo aada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay doorashada iyo xaalada Siyaasadeed ee dalka

Caydiid Ali

Dowlad deegaanka Soomaalida oo ka baxday Heshiis ay horey ula gashay Canfarta iyo Xiisad taagan

Cabdi Cade

Wadahadalo u dhexeeyey dowlada Kenya & Mucaaradka oo burburay & cabsi laga qabo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---