Wasiiradii ka banaanaa Xukuumada RW Khayre oo goor dhow la magacaabay (Akhirso)

War goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir.com ayaa sheegaya in raisul Wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre uu wareegto ku magacaabay lix wasiir oo ka banaanaa Xukuumada.

Xubnaha la magacaabay ayaa iskugu jira kuwo ku cusub Masraxa siyaasada iyo qaar horey u soo qabtay xilal muhiim ah.

Wasiirada cusub oo ka kooban lix wasiir ayaa shan ka mid ah waxaa loo magacaabay Wasaaradihii banaanaa.

Wasaarada howlaha guud ayaa loo magacaabay wasiir cusub, iyadoo xilka laga qaaday Wasiirkii Wasaaradaas Saadaq C/llaahi Cabdi oo xilkan hayey tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii hore, isagoo xilka kaga dambeeyey wasiirkii ka geeriyooday xilkaas ee Cabaas Siraaji.

Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudiga Daahir Max’uud Geelle ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo xilkan horay u soo qabtay xiligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxay kala yihiin:-

1.Xasan Macalin Xuseen Wasiirka awqaafta iyo arimaha diinta

2.Xasan Cali Maxamed wasiirka gaashandhiga

3.Daahir Maxamud Geele Wasiirka Warfaafinta

4.Xamse Saciid Xamse wasiirka gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka

5.C/fitaax Maxed Ibrahim Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska

6.C/Casiis  Cabdulahi Maxed Wasiirka Tamarta iyo biyaha

Wasiiru dowlayaasha

1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga

Xubnaha loo magacaabay Wasiir ku xigeenada.

  1. Isxaaq Mohamed Mohamud wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha
  2. Aadan Isxaaq Ali Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

3.Abdirahman Idan Yonis Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4.Mohamed Saciid Abdullahi Wasiir ku xigeenka Caafimaadka

  1. Abdirashid Mohamud Hassan Wasiirka ku xigeenka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -