Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada 3 ruux oo Muqdisho lagu dilay (Akhriso Magacyada)

Saacadihii lasoo dhaafay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay sadex ruux ,waxaana dadkan la dilay la sheegay in ay ahaayeen ergaydii wax kasoo dooratay Xildhibaanada golaha shacabka.

Kooxo hubeesan ayaa xaafado katirsan degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley ku dilay sadex ruux oo Al Shabaab sheegtay in ay kamid ahaayeen ergaydii Xildhibaanada golaha shacabka kusoo doortay magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dadkan la dilay waxaa kamid ahaa Cabdullaahi Maxamed Maax oo salaadii Jimcaha kadib maanta lagu dilay Degmada Hodan, waxaana ninkan uu kamid ahaa dhalinyarada wax baratay oo Muqdisho kunool.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahano kooxdooda katirsan Degmada Dharkeenley siyaabo kala duwan ugu dileen Nuur Isxaaq Ileey iyo Max’med Sheekh Max’med, waxa ayna Shabaab ragan ku sheegeen Ergo Xildhibaanada wax kasoo doortay.

Dilalkan ayaa magaalada Muqdisho ka dhacay xili amaanka si weyn loo adkeeyay ciidamo badana magaalada la dhigay, waxaana Al Shabaab bishan Ramadaan Muqdisho ku dishay dad badan ay ku jiraan Ergo badan oo wax kasoo doortay Xildhibaanada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -