Al Shabaab oo Bur burisay xarun ay leedahay Shirkada Safaricom (Daawo Sawirada)

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaano hoostaga magaalada Mandheera ee dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab weerarkaasi ku bur buriyeen xarun ay leedahay shirkada Isgaarsiinta Safaricom.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Mandheera Nyamboka Mounda, ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar ku bur buriyeen xarun ay shirkada Safaricom ku leedahay Mandheera .

Waxa uu sheegay Nyamboka Mounda in weerarkan uusan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, waxa uuna tilmaamay ilaalada xaruntaasi in goobta ka carareen kadib markii ogaadeen weerarka Al Shabaab ee kusoo wajahnaa.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday gudaha dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab inta badan beegsadaan xarumaha iyo teendhooyinka Shirkada Safaricom ku leedahay deegaanada ay weerarka ku qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -