Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Baaq u diray shacabka Soomaaliyeed jadib qaraxii Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii qaranka iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qaraxii ka dhacay  Gaalkacyo.

“Waxaan dhammaantood Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa falkan argagixisadu ay ku beegsadeen saraakiisha iyo dadka rayidka ah in uu ka fog yahay naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

“Argagixisadii falkan geystay waxaan leeyahay, marnaba weerarradiinnu nama niyad jabinayaan, mana istaajinayaan geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan, una midoobaan cadowgan u diiddan nabadda iyo horumarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Musharaxiinta loolanka adag kula jiray Erdogan oo ka haray doorashada

Caydiid Ali

Dhismaha Safaarada Qatar ku leedahay Magaalada Khartuum oo la weeraray

Caydiid Ali

Askari baxsad ahaa oo ku dhuumanayay Guriga Siyaasi caan ah oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---