Jeneraal Biixi oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka dhulka ee milatariga Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wefdiga uu hogaaminayay taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga dalka waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyn kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan saraakiil katirsan milatariga iyo booliiska oo fadhigoodu yahay Hiiraan.

Sida aan wararka ku helnay Jeneraal Biixi ayaa u tagay magaalada Baladweyne qiimeynta xaaladda ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha kusoo laab laabtay magaalada Baladweyne iyo duleedkeeda.

Magaalada Baladweyne iyo duleedkeeda waxaa ku sugan ciidamo u abaabulan qaab beeleed kuwaa oo kasoo horjeeda marar badana dagaalo la galay ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Hirshabelle.

- Advertisement -