Duufaan kale oo ku soo fool leh xeebaha Somalia iyo digniino laga bixiyey

Duufaan ka kacday waqooyiga badda Hindiya ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illaa 3 iyo 4 maalmood gudahood.

Maraakiibta iskaga kala goosho dalka Soomaaliya iyo dalalka gacanka ayaa duufaantan ay halis ku tahay, waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan.

Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khasaaraha ka dhalan kara duufaanta la filayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika taasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 50 qof guud ahaan dhulka Soomaalida.

Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka,

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -