Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Haramcad oo la geeyay Goobihii Banaan baxyada ka dhaceen iyo Wararkii u Dambeeyay

Xaalada qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa hada u muuqatada mid degan kadib markii saakay ka dhaceen dibad baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shacab kasoo horjeeday hab maamulka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay isugu soo baxay xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid, shacabka ayaana ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Banaan baxayaasha ayaa gubayay sawirka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna ku dhawaaqayeen sidoo kale ereyo ka dhan ah Madaxweynaha mudo xileedkiisa hada gabo gabada yahay.

Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeesan oo la socday dibad baxayaasha ayaa isku rasaaseeyay Isgooska Fagax, waxaana rasaastaasi ay khasaaro kasoo gaartay dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa.

Dowlada Soomaaliya ayaana aaga Isgooska Fagax iyo xaafado kale oo katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid geesay ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad si ay u joojiyaan dibad baxyada ugana hortagaan maleeshiyaadka hubeesan.

Xaalada goobihii maanta ka dhaceen banaan baxyada rabshadaha watay ayaa hada degan, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in banaan baxyo kale ka dhaceen qeybo kale oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Banaan baxyadan maanta ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa waxaa soo abaabulay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyay shirar uga socdeen Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Khayre oo Washington kulan kula yeeshay Hafez Ghanim (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Askari Cadaan ah oo Imaam ka ah Masjid uu doonayay in uu qarxiyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Yoweri Museveni oo qaaday Xayiraado uu horey dalkiisa ugu soo rogay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---