Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Khayre oo Washington kulan kula yeeshay Hafez Ghanim (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Washington gudoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Bangiga adduunka ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka waaweyn ee dowladda Soomaaliya u qaadday dhanka dhib-u-habeynta hay’adaha dowladda, gaar ahaa nidaamka maaliyadda dalka. Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday habsami u socodka dadaallada Soomaaliya looga cafinayo deymaha.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Moxamed Cabdullaahi, Hantidhowrka Qaranka iyo wasiirka maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb gelaya shirka Guga oo ay iskugu yimaadaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Sanadkaan waxaa jiri doono qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeyn doono dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto kobcinta dhaqaalaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Cumar Filish oo dhaliil adag u jeediyey Axmed Madoobe & Saciid Deni

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyasha Doorashada Somaliland

Caydiid Ali

Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada oo xaqiijiyey in lagu hayo faragelin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---