Allbanaadir.com
NEWS

Deegaan laga dhigay Degmo oo Laami cusub la saarayo (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagaxdhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinaayo degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya bulshada, ganacsatada iyo maamulka degmada ee lagu horumarinaayo kaabayaasha isku socodka waddooyinka, asigoona xusay in barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar loogu gol leeyahay in bulshada ay iyadu isku tashato isla markaana ay qeyb ka noqdaan horumarka dalka.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha degmada Daarusalaam Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, Madax ka socotay Bangi gacan ka geysanaya dhismaha wadadaan iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Daarusalaam.

Degmada Daarusalaam oo dhawaan degmo laga dhigay , ayaa horey u laheyd kaliya hal laami oo dheer oo taga xaafada casriga ah ee laga dhisay degmadaasi, waxa uuna laamigan maanta la dhagax dhigay noqonayaa kii labaad oo yeelaneyso Daarusalaam.

Related posts

Madaxweyne Ciro oo dhaqan geliyey Miisaaniyad ku dhow afar Trilyan

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka amniga Garoowe oo hadal muran badan dhaliyey ka sheegay Warbaahinta

Caydiid Ali

Xamse Barre oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---