Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil uu dhalay Madaxweyne Joe Biden oo wajahaya baaritaano heer federaal ah

Hunter Biden Wiilka Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden, ayaa sheegay inuu ku socdo baaritaan federaal oo la xiriira canshuurta.

Shaac ka qaadista uu sameeyey Hunetr Biden lama socon wax faah-faahin hase yeeshee waxay dib u soo nooleyn kartaa carradii Xisbiga Jamhuuriga ee ku aadaneyd qoyska Biden.

“Waxaan shalay ogaaday markii ugu horresay in xafiiska xeer-iaaliyaha Mareykanka ee gobolka Delaware uu ku wargeliyey la-taliyaheyga sharciga inay baarayaan arirmaha canshuuraheyga,” ayuu Hunter Biden ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay sii daayeen guddiga kala-guurka ee Joe Biden.

“Waxaan ku kalsoonahay in dib u eegis xirfadeysan oo hadaf leh lagu sameeyo arrintan ay caddeyn doonto inaan arrimahayga u gutay si sharci ah oo habboon, aniga oo ka faa’iideysanaya la-taliyeyaasheeda xirfadlayaasha ah ee dhnaca canshuurta.” Ayuu yiri

Hunter Biden oo ah qareen 50 jir ah islamarkaana aas-aasay shirkado dhinac maal-gashiga iyo la-talinta ayaa kasoo shaqeeyey hay’ado kala duwan.

Bayaanka kooxda Joe Biden ayaa lagu sheegay in madaxweynaha la doortay “uu si weyn ugu faanayo wiilkiisa oo marar badan lasoo halgamay caqabado kale duwan, oo ay ka mid yihiin weeraro shaqsi oo lagu qaaday bilihii dhowaa, kuwaas oo uu uga gudbay si xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo taliye cusub u magacaabay ciidankooda ku duullay Dalka Ukraine

Cabdi Cade

Maxaa ka jira Somalia u yeeratay danjraha u fadhiya Kenya?

Caydiid Ali

(Daawo) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dagaalo ka dhacay Duleedka Galhareeri

Caydiid Ali
Taboola Ads ---