Maxaa Soomaaliya ka dhacay maanta oo kale 9-kii Disembar 1992-dii? (Sawirro)

Mareykanka ayaa maanta oo kale 9-kii Disembar 1992 Soomaaliya u diray ciidamo kumanaan askari gaaraya si ay u taageeraan gargaarka loo fidinayo kumannaan Soomaali ah oo ay macaluul ba’an la soo daristay, iyadoo howlgalkaas loo bixiyey rajo soo celinta Somalia (Operation Restore Hope)

Ciidamaddu waxay ka degeen xeebaha Muqdisho waaberigii maanta oo kale. Hawlgalkoodu wuxuu horkacayey imaanshaha 35 kun oo ciidammo ah oo ka kala yimid darsin wadammo ah oo ka qayb qaadanayey hawlgalka Mareykanku horkacayey si ay u joojiyaan bililliqadda & wax isdabamarinta dhabaha u xaartay in cuntadu gargaarka aannay gaarin dadka baahan.

Sida uu sheegay taliyihii Ciidamada Maraykanka ee Somalia soo galay Lt. Gen. Robert B. Johnston Mareykanka wuxuu qorshihiisu ahaa inay ka horgataan falalka kooxaha dableyda ee boobaya gargaarka, iyadoo sanadkii 1991 ay dagaalada iyo macluusha ku dhinteen 300,000 kun qof.

Laakiin intii ciidamadda Mareykanka lagala hortagi lahaa dagaal waxay Marines-ku la kulmeen soo dhaweyn. Ugu horreyn lix illaa sideed askari oo dabaallanaya ayaa xeebta Muqdisho cagta soo dhigay waaberigii hore iyaddoo dayaxu uu cirka ka muuqdo.

Ka dibna sadex doonyo cinjir ka samaysan ayaa xeebta yimid waxaana ka soo degay 24 askari waxay ku socdeen buuraha kaabigooda iyadoo ay ifinnayaan layrarka kaamirooyinka Telefishinadda.

Ciidamadda Marines-ka oo ka buuxa dabbaabaadka bari biyoodka ah ayaa ka soo daatay markabka USS Juneau iyadoo xeebta ay ka soo degeen 1800 oo askari, waxaana todobaadyo ka dib uu dalka yimid Madaxweynihii Maraykanka ee xiligaas Goorge Bush oo maalmo kooban muddo xileedkiisa uu ka harsanaa sida aad ku arki karto sawirada hoose qaarkood, isagoo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey maraykan ah ee abid booqday Somalia, inkastoo xiligaas dalku uu ahaa dowlad la’aan

Ciidamadaas Hawlgalkoodu wuxuu ahaa inay ammaan ka dhigaan garoonka diyaaradaha & dekadda Muqdisho agagaarahooda si cuntada iyo daawadda ay xannibeen kooxaha maleeshiyaadka Soomaalida si nabad ah loogu daabulli lahaa kumannaan dadka gudaha oo macaluul la geeriyoonayey.

Labadii hogaamiye ee ugu tunka waynaa hogaamiyeyaashii dagaalka Soomaaliya Jeneral Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed waxay ugu baaqeen dagaalyahannadoodda inay la shaqeeyaan ciidamadda Mareykanka, isla markaana ay isaga fogaadaan dekadda & garoonka dayuuradaha.

Laakiin Robert Oakley, Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya wuxuu la kulmay labada nin maalmahaas waxaana uu aaminsan yahay in midkoodnna aannu awood buuxda u lahayn xakameynta dableydiisa.

Sida laga soo xigtay waaxda difaaca Mareykanka ee the Pentagon ilaa 35 wadan ayaa Mareykanka ugu yaboohay caawimaad hawlgalka ciidan iyo dhaqaale.

Ciidamadaas ayaa wax badan ka bedelay xaaladii macluusha ee dalka ka jirtay, hase ahaatee ciidamadii Maraykanka oo huwanaa magaca howlgalka QM ee UNISOM ayaa dagaal la galay maleeshiyadii uu hogaaminayey Jen. Caydiid oo ka mid ah qabqablayaashii dagaalka Muqdisho ka dib markii la dilay 24 ka tirsan ciidamada UN-ka ee ka socday dalka Pakistan.

Dagaalkaas ayaa sii xoogeystay markii QM ay ku baaqday in la soo xiro Jen. Caydiid, waxaana intii uu socday lagu dilay ciidamo ka tirsan UNISOM oo ay ku jiraan 18 ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo boqolaal Soomaali ah, iyadoo ciidamadii Maraykanka iyo kuwii QM ay ugu dambeyn ka baxeen Somalia horaantii 1995-tii, iyadoo Somalia aysan ka jirin wax dowlad ah.

.

.

.

.

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -