Maxkamadda Ciidanka Puntland oo soo saartay amar ku socda Taliska PSF

Maxkamadda Ciidamada iyo dembiyada culus ee Puntland ayaa markii ugu horraysay War ka soo saartay Ilaalinta dhammaan Hantida hay’adda PSF.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr inuu mas’uuliyad iska saaro Ilaalinta dhammaan Hantida Ciidanka PSF.

Amarkan ayaa ku soo aadaya xili Madaxweyne Deni uu ka soo horjeestay go’aano ay soo saareen isimada oo uu ku jiray qodob sheegaya in agaasimaha xilka laga qaaday ee PSF la siiyo guryaha iyo hubka ay leeyihiin ciidankaas, taas bedelkeedna uu wareejiyo xilka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA

- Advertisement -