Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Gabdho Aqoonyahano ah (Sawirro)

Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre oo xaruntiisa kula kulmay qaar kamid ah gabdhaha aqoon-yahanka ah iyo ardayda jaamacadaha ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay in horumarka dalku uu ku xiranyahay sida haweenku ay uga qeyb qaataan dib-u-dhiska, maadaama xilligaan lagu tartamo aqoonta iyo dadka wax soo saarkuna uu ku xiranyahay hadba sida dadka loo howl geliyo.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay hadii aan gabdhaha la siin fursadda ay u baahanyihiin inuu xumaanayo tartanka horumarka ee aan dunida kula jirno, waxuuna ku dardaamay in fursad siinta gabdhaha loo arko horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin aasaaska qoyska, shaqadana ay ragga uga wanaagsanyihiin.

“Hadii aan gabdheheenna fursad siin weyno waxaa naga xumaanaaya tartanka aan dunida kula jirno”, ayuu yiri Xasan Cali Khayre

Haweenka ayuu kula taliyay inay ka shaqeeyaan sidii xuquudooda lagu heli lahaa oo ay is abaabulaan, yeeshaan codka doodda ugu horreysa ee xuquuq raadinta, waxuuna cadddeeyay in dalka horumarkiisu uu meel wanaagsan gaari karo marka ay haweenku 50% ay shaqada qeyb ka noqdaan oo ay ragga soo garab istaagaan.

Xasan Cali Khayre waxuu sheegay in xilligii ay xaaladdu xumeyd ay haweenka Soomaaliyeed qeyb wayn ka qaateen badbaadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad siday 191-qof oo kala go’day iyo khasaaro kala duwan oo ka dhashay (Daaw Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Muqdisho iyo khasaaraha oo sii kordhay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Atul Khare oo Muqdisho soo gaaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---