Diyaarad siday 191-qof oo kala go’day iyo khasaaro kala duwan oo ka dhashay (Daaw Sawirro)

Diyaarad ay leedahay Shirkada Diyaaradaha ee Air Indian ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Calicut ee dalka Hindia , waxaana shilkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Masuuliyiin katirsan dowlada Hindiya ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradan oo kasoo duushya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta cagaha u bixi waayeen xili ay ku dageysay garoonka diyaaradaha Calicut oo kuyaala gobolka Karela ee koonfurta Hindiya.

Diyaarada ayaana duuliyaha xili uu isku dayay in uu dejiyo ka gudubtay dhibihii loogu tala galay in uu ku degto , waxaana diyaarada u kala go’day labo qeyb iyadoona khasaaro badan uu ka dhashay shilkaasi.

Warar horu dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarada ku dhinteen dad gaaraya 14-qof ay ku jiraan labo duuliye, waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhaawacmay qaar badan oo kamid ah rakaabkii diyaarada saarnaa.

Diyaarada bur burtay ayaa waxaa saarnaa 191-qof oo isugu jiray 184-qof oo rakaab ah iyo 7-dobo kamid ahaa shaqaalaha diyaarada ay ku jiraan duuliyaasha, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay ay kasii bataan.

- Advertisement -