Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Muqdisho iyo khasaaraha oo sii kordhay (Daawo Sawirada)

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxii xooganaa ee saakay waabarigii hore ka dhacay Isgooska Ex-Coontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari nuuca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Isgooska Ex-Coontarool Afgooye oo kamid ah goobaha ugu mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho.

Dad ka badan 50-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 100-qof oo kale, waxaana meydadka dadka dhintay la geeyay isbitaalka Madiina iyo isbitaalo kale.

Sida ana wararka ku helnay dadka qaraxa ku dhintay waxaa ku jiray arday badan oo dhiganayay Jaamacada Banaadir, waxaana ardayda oo tiradooda ku dhaw dahay 20-ay saarnaayeen gaari PL-ah.

Waxaa sidoo kale dadka qaraxa ku dhintay ku jiray dad saarnaa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahya, waxaana xiliga qaraxa dhacayay Isgooska Ex-Control ahaa mid mashquul badan ay joogeen dad badan oo isugu jira socoto iyo kuwa ku ganacsada.

Dowlada Soomaaliya ayaa kaliya xaqiijisay in qaraxan ka dhasheen khasaaro aad u badan, waxaana masuuliyiin katirtsan dowlada oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay sheegeen in dib ka shaacin doonaan tirada khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Qaraxan saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kamid noqonayaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho , waxaa laga cabsi qabaa in ay kasii kordhaan khasaaraha ka dhashay inta hada la ogyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -