Xiisad Siyaasadeed oo ka taagan Garawe iyo Xildhibaano wada Mooshino iska soo horjeeda

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Xildhibaano kale oo kasoo horjeeda.

Sida aan xogta ku heleyno Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa wada qorshe uu ku doonayo in xasaanada looga qaado ilaa 8-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka kuwaa oo mucaarad ku ah kana soo horjeeda siyaasada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaano taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa gadaal ka riixaya in xasaanada laga qaadayo Xildhibaanada mucaaradsan Gudoomiyaha , waxaa sidoo kale mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha iyana wada xildhibaano kale oo kasoo horjeeda.

Ciidamo badan oo amaanka sugaya ayaa la geeyay xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in gacan ka hadal dhax maro Xildhibaanada iska soo horjeeda hadii ay isugu tagaan Xarunta Baarlamaanka Puntland.

Madaxtooyada maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin khilaafka ka dhax jira Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, lamana oga halka uu ku damnbeyn doono khilaafkan hareeyay Baarlamaanka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -