Sheekh Shariif oo goordhaw ka dhoofay Muqdisho iyo xog ku aadan halka uu aaday

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socda ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana horey usii sagootiyay xubno katirsan madasha Xisbiyada Qaran.

Sida aan wararka ku helnay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u ambo baxay dalka Jabuuti halkaas oo la filayo in uu kulamo kula yeesho Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada dalkaasi.

Sheekh Shariif ayaana xiriir dhaw la leh Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uuna Shariifka marar badan socdaalo kala duwan ku tagay dalka Jabuuti halkaas uu kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti iyo Masuuliyiin kale.

Dowlada Jabuuti ayaa lagu soo waramayaa in aysan ku qanacsaneyn xiligan hab maamulka Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna Jabuuti raadineysaa musharaxa ay u aragto in uu bedeli karo Farmaajo oo xiriir dhaw la yeeshay dowlada Eritrea oo xiisad kala dhaxeyso Jabuuti.

Jabuuti waxaa sidaan oo kale dhawaan u tagay si weyna loogu soo dhaweeyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hada ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -