Shir looga hadlayo kobcinta culuunta Injineeriyada iyo Tiknoolijiyada oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Shirka cilmibaarista Injineerinka, Science-ka iyo technologiyadda oo ay iska kaashanayaan jaamacaddaha Simad iyo Jamhuuriya Islamarkaana ay sanadkii labaad si wadajir ah u qabteen labada jaamacadood ayaa maanta ka furmay magaaladda Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa sanadkan halkudhig looga dhigay kobcinta culuuminta injineerinka iyo technoologiyada si loo gaaro horumar waara

Munaasabada shirkan oo maanta si rasmi ah u furmay ayaa waxaa ka soo qeybgalay in kabadan 200 oo qof waxaana laga soo jeediyay daraasado gaadhaya ilaa 42 oo dhamaantood khuseeyay arimaha injneerinka scienceka iyo technologiyadda. Waxaa sidoo kale khudabado muhiim ah oo la xariira mawduuca ka soo jeediyay shirka ilaa 4 khabiir oo ku xeel dheer arimaha uu khuseeyo mowduuca shirka. Waxaa sidoo kale la qabtay mudadii uu shirku socday labo doodood oo aragtiyo la isugu weydaarsaday arimaha khuseeya inineerinka technologiyada iyo scienceka.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuliyiinta ugu saraysa ee labada jaamacadood, khubaro dhanka cilmi baadhista ah iyo arday katirsan labada jaamacadood.

 

Cabdirizaaq Warsame Cabdulle, Gudoomiye kuxigeenka arimaha waxbarashadda ee jaamacada Jamhuuriya ayaa ugu horeyn ka warbixiyay shirkan iyo ahmiyadda loo soo qabnqaabiyay

“Shirkan waxaa looga gol leeyahay in la helo meel ay cilmi baarayaasha iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ay ku soo bandhigaan cilmi baaristooda iyo aqoontooda si ay ula wadaagaan bulshada inteeda kale.”

Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Dr. Bidey) oo ah Gudoomiye kuxigeenka Daladda cilmi barista ee SomaliREN ahna gudoomiyaha jaamcadda Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxay sababta ay tahay in loo tageero shirarka noocan oo kale ah

“Jaamacad waxaa laga rabaa sadex arimood, kow, waxbarid, fidin cilmi iyo cilmi baaris. Jaamacadaha Jamhuuriya iyo Simad hada waxaa ay ku midoobeen barnaamijkaan oo runtii u ahaan doona fure”

- Advertisement -