Dalkii ugu horeeyey dunida oo ansixiyey tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19

Dalka Britain ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee dunida ee ansixiyo in la adeegsan karo tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 oo ay soo saareen shirkadaha kala ah Pfizer iyo BioNTech.

Xoghayaha caafimaadka ee UK, Matt Hancock ayaa sheegay in tallaalkan la gaarsiin doono dadka da’da ah, dadka nugul iyo howl-wadeenada caafimaadka.

Waxaa uu intaas ku daray in toddobaadka dambe dalkaas laga bilaabo doono tallaal baahsan iyadoo la adeegsan doono tallaalkan.

Tijaabo la sameeyay ayaa muujineysaa in boqolkiiba 95 tallalkan uu waxtar leeyahay isla markaana dowladda UK ay sheegtay in uusan wax dhibaato ah geysaneyn lana adeegsan karo.

Dowladda Britain waxay amar ku bixisay in bilaha soo socda tallaalka la gaarsiin doono 20 malyan oo qof.

Waa tallaalkii ugu horreeyay ee loo adeegsanayo ka hortagga cudurka Koroona kaddib markii lasoo gabagabeeyay hubinta iyo tijaabintiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -