Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ogolaaday in uu bedelo Xubnaha Guddiga…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ogolaaday codsi uga yimid Midowga musharaxiinta oo ku aadanaa in uu bedelo xubnaha guddiga doorashada ku matalaya Jubbaland.

Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland in ay soo bedelaan xubnaha ku matalaya guddiga doorashada.

Axmed Madoobe oo shalay markii uu kusoo laabtay magaalada Kismaayo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aqbalayo dalabkii musharixiinta Madaweynaha ee ahaa in la bedelayo Afarta xubnood ee Guddiga doorashooyinka dhankiisa ka yimid.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana si cad uga soo horjeestay sida ay hada u wado dowlada qaban qaabada doorashada, waxa uuna uga baaqay dowlada federaalka in faraha kala baxdo arimaha doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -