(Sawirro) Ereyadii ugu dambeeyey ee Diego Maradona & qaabkii uu u geeriyooday

Xiddigii hore ee xulka kubada cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa shalay geeriyooday isagoo ahaa 60 sano jir ah, labo todobaad ka dib markii uu ka soo baxay Isbitaalka, iyadoo qaliin looga sameeyey Maskaxda.

Wararka ayaa sheegaya in geeridiisa ay timid ka dib  markii uu wadnuhu joogsady, isagoo oo ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Maradona, ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa ebid adduunka, wuxuu ka caawiyay Argentina inay ku guuleysato Koobkii Adduunka ee 1986.

Haddaba waxaa soo baxaya tafaasiil ku saabsan qaabkii uu u geeriyooday laacibkan hore iyo iyo ereyadiisii ugu dambeeyey ka hor geeridiisa.

Waxaa la sheegay in Maradona uu quraacday, isagoo ka dibna wiilka uu adeerka u yahay ee Johnny Esposito u sheegay ineysan xaaladiisu fiicneyn isla markaana uu doonayo inuu seexdo.

Haweeney kalkaaliso ah oo xanaaneyneysay oo xaaladiisa ka shakisay ayaa wacday gawaarida gargaarka deg deg ah iyadoo dhawr gaari ay durbadiiba ka soo jawaabeen codsigeeda ayna yimaadeen gurigiisa.

Laakiin waxaa la sheegay iney yimaadeen xilli uu halyeeyga kubada cagta geeriyooday oo naftii ay ka baxday.

Saacidihii ugu dambeeyay ee nolosha xiddigii hore ee Napoli iyo Barcelona ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta Argentina iyadoo meydkiisa baaritaan lagu sameeyay laguna ogaaday inuu u dhintay wadnaha oo joogsaday.

Mid ka mid ah warbaahinta si dhow u la socotay xaalada Maradona ayaa sheegtay inuu subixii soo kacay isagoo maqaarku cadaaday kana cabanayau inuu qabow badan dareemayo.

Waxa uu ku laabtay sariirta ka dib markii uu quraacday waana halka uu ku yiri ereygiisii ugu dambeeyay ee ahaa “Me siento mal” – oo la macno ah “Ma fiicni”

Adeega caafimaadka gargaarka degdega ah ayaa isku dayay inay mashiino ku xiraan balse waxay xaqiijisteen inuu geeriyooday.

Madaxweynaha dalka Argentina ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galayo seddex maalmood oo baroordiiq ah iyadoo taageerayaal badan ay isagu soo baxeen magaalooyinka Argentina iyo magaalada Napoli ee dalka Talyaaniga halkaasoo oo noloshiisa qeyb ka mid ah uu ku soo qaatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -