Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo Baydhabo ka dhagax dhigay dhiismaha Mashruuc cusub (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa maanta si wadajir ah u  dhagax-dhigay  Dhismaha Xarunta ay yeelanayso wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladda Goboleedka  Koonfur Galbeed.

Dhismaha Xaruunta wasaaradd Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladd Goboleedka  Koonfur Galbeed  waxa iska kaashanaya  labada Wasaaradood  ee heer  federal iyo heer dowlad- goboleed waxa ayna qayb ka tahay qorshaha horumarinta  Gobolladda si loo daadajiyo  shacabkana loogu dhaweeyo adeegyadda dowladda.

 Mashruucan ayaa qeyb ka ah mashaariic laga hirgelinayo magaalada Baydhabo oo uu dhagax dhigay, Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sidoo kale kuwa kale oo la dhisayna xariga ka jaray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo maxaabiis badan is dhaafsaday

Cabdi Cade

Ninka ka caaganaaday isticmaalka lacagta iyo tiknoolojiyadda iyo Sababta keentay!

Cabdi Cade

Dowladda Itoobiya oo si adag u beenisay warkii kasoo baxay Al Shabaab shaacana ka qaaday…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---