Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Madaxweyne Guudlaawe loo diiday inuu tago Magaalada Belad-weyne?

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay ineysan jirin cid ka soo horjeeda booqasho la sheegay in Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe uu ku tagayo Magaalada Baledweyne.

“Ma jiro hal qof oo diidan in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne wixii ka dambeeya maalinta Khamiista” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlaayey magaalada Beladweyne.

Dabageed ayaa sheegay inuu dhameeyay tabashooyinkii jiray uuna diyaar u yahay inuu qanciyo cid kasta oo tabasho qabta.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu ka baaqday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe safar uu ku tagi lahaa magalada Baledweyne kadib markii ay soo baxeen hanjabaado kasoo yeeray ciidamo ku sugan duleedka magaalada Baledweyne, kuwaasoo sheegay inuusan imaan karin Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle hadii uu yimaadana ay weerari doonaan.

Kulamo dhexmaray saraakiisha hogaamineysa ciidamada diidan Cali Guudlaawe iyo maamulka gobolka Hiiraan oo la doonayey in arintaas xal looga gaaro ayaa fashil ku soo dhamaaday sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalada Beladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qalab Casri ah oo lagu liso caanaha naaska hooyada oo lasoo saaray (Daawo Sawirada)

admin

(Sawirro) Kooxda K/Cagta Elman oo markii ugu horeysay taariikhda u laabatay (Serie B)

Caydiid Ali

Dowlado badan oo codkooda u ballanqaaday Musharax Fowsiya Yuusuf iyo Raila oo niyad jabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---