Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha Tigrey oo markii ugu horeesay qirtay Guul daro hanjabaadna soo diray

Ciidamada Itoobiya ayaa guulo ka gaaray dagaalka ay kula jiraan xoogaga daacada u ah xisbiga TPLF, waxa ayna ciidamada dagaal kula wareegeen magaalooyin badan oo gacanta ugu jiray maamulka Tigrey.

Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichae, oo Warbaahinta la hadlay ayaa qirtay guul darooyin ciidankiisa kasoo gaaray dagaalka, waxa uuna sheegay in wali sii dagaalami doonaan diyaarna u yihiin in ay is difaacaan.

Debretsion Gebremichae, ayaa sheegay in maamulkiisa lagala wareegay magaalooyin dhoor ah oo horey gacantooda ugu jiray, waxa uuna ku hanjabay in ay qorsheenayaan dagaal rogaal celis ah ay ku qaadaan goobaha laga qabsaday.

Hogaamiyaha maamulka Tigrey ayaa sidoo kale ka biyo diiday baaqii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ku aadanaa in xoogaga Tigrey isku soo dhibaan ilaa arbacada , waxa uuna sheegay Debretsion in marnaba aysan is dhiibi doonin ayna dagaalamayaan.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa kusii dhawaanaya magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey, waxa ayna ciidamada horey ula wareegeen magaalooyin dhoor ah oo gacanta ugu jiray maamulka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo soo dhaweesay Dadaallo ay wadaan Madaxda DF iyo kuwa Maamulada

Cabdi Cade

Wasaarada amniga DF oo amar cusub ku soo rogtay Garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne William Ruto oo xal u raadinaya colaada ka aloosan dalka Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---