Shir Muqdisho uga furmaya Musharaxiin badan oo u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia

Waxaa lagu wadaa in beri Hotelka Jaziira ee Muqdisho ka furmo shir xasaasi ah oo yeelanayaan inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaa oo shirkooda go’aan mideesan uga qaadan doona doorashada dhawaan dalka ka dhaceysa.

Musharaxiintan oo horey shirar dhinaca telfoonada iyo kuwa toos ah u yeeshay ayaa hada isugu yimid magaalada Muqdisho oo la filayo in uu uga furmo shir socon doona mudo sadex maalin ah ayna ku falanqeyn doonaan arimaha dooarshada.

Inta badan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda guddiyada doorashada heer federaal iyo heer Maamul goboleed oo la sheegay in ay u badan yihiin Nabad sugid iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Musharaxiintan ayaana wararka aan helnay sheegayaa in shirkooda gabo gabadiisa ku qaadici doonaan guddiga doorashada ee magacwaday Xukuumada Soomaaliya  sidoo kale diidi doona ka qeyb galka doorashada dalka ka dhaceysa.

Dowlada Soomaaliya ayaana ku adkeesaneysa in ay shaqeenayana guddiyada doorashada ee magacaaban kuwaa ay kasoo horjeedaan Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -