(Sawirro) Dab xalay qabsaday Mid ka mid ah xarumaha ugu Muhiimsan dowlada Somalia

Dab geystay khasaaro hantiyeed ayaa xalay qabsaday dhismaha xarunta Bankiga Dhexe Soomaaliya oo ku yaala degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Gaadiidka gurmadka ee dab damiska ayaa ku guuleystay markii dambe daminta dabkaas, waxaana la sheegay in dabka uu ka dhashay koronto sida dad goobjoogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Warar ayaa dabka uu ku faafay mudadii uu socday, maadaama masuuliyiinta furaha hayay ay maqnaayeen, taasina waxaa ay keentay in saacado kadib lagu guuleysto damintiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo Wasiirka Amniga ducaale iyo saraakiil ciidan ayaa tagay goobta uu dabka ka kacay si ay xaalada wax uga qabtaan.

Guddoomiye Cumar Filish oo warbaahinta kula hadlay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in dedaal badan ka dib lagu guuleystay daminta dabka, isagoo u mahad celiyay waaxda gurmadka ee dab damiska ee dowlada hoose, welina si rasmi ah looma oga khasaaraha uu dabkan ka geystay gudaha xarunta bankiga dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -