Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Gabre iyo Saraakiil kale oo Itoobiyaan ah oo la amray in lasoo xiro !!

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa baadi goob ugu jirta saraakiil badan oo katirsanaa ciidamada dalkaasi oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen qiyaano qaran ayna taageereen maamulka Tigrey ee dagaalka kula jira ciidamada Federaalka.

Booliiska federaalka Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in waaran soo qabasho ah u jaray 76-sargaal oo katirsanaa ciidamada qalabka sida ee Itoobiya, saraakiishan ayaana u badan kuwa kasoo jeeda qowmiyada Tigrey.

Saraakiishan waaranka loo jaray lana amray in lasoo xiro waxaa ku jira Generaal Gabre oo ah nin si weyn looga yaqaan Soomaaliya mudo badana saameyn badan ku dhax lahaa siyaasada Soomaaliya lagu hago.

Jeneraal Gabre iyo saraakiisha kale ee la baadi goobayo si loo soo xiro ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen qiyaano Qaran, waxaana saraakiishan qaarkood ku biireen dagaalka looga soo horjeedo dowlada Federaalka Itoobiya.

Dowlada federaalka Itioobiya ayaa horey u xir xirtay saraakiil badan oo u dhashay Qowmiyada Tigrey iyo dad kale oo dowlada ku eedeesay qaran dumis iyo in ay taageereen khalalaasaha Tigreyga ka abuureen dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masjid 800- sano kahor laga dhisay Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jeneraal Galaal oo sheegay in xiisad dagaal ay ka jirto magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade

RW Xamse: “Lama aqbalayo in la xagal daaciyo halganka dalka looga xoreynayo Khawaariijta”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---