Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirada arrimaha dibeda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Qadka telefanka ku wada hadlay

Wasiirada arrimaha debadda Soomaaliya iyo Kenya oo qadka telfoonka ku wada hadlay ayaa sheegay in muhim ay tahay dib usoo celinta xiriirka labada dowladood.

Labada wasiir ayaa muujiyay muhimada ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

“Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in labada Wasiir ay ku heshiiyeen in la sii wado marinnada diblomaasiyadeed ee labada waddan & dhammaan arrimaha xiriirka diblomaasiyadeed ee istiraatiijiyadeed.

Dowlada Somalia ayaa dhowaan shaacisay iney dib u soo celisay xiriirkii diblomaasi ee Kenya oo dhowr bilood ay iyadu goysay.

Xiriirka labada dal oo mudooyinkan aad u xumaa ayaa hadda u muuqda mid soo hagaagaya, iyadoo wararku sheegayaan in wafdi ka socda Wasaarada arrimaha dibeda Somalia ay maanta gaareen magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/NMVkaW39Is0

Related posts

Madaxweyne Moncef Marzouki Xukun xabsi ah lagu riday iyo Dambiga lagu helay

Cabdi Cade

Labo Dal oo wada qorshe Ciidamo Soomaali ah lagu geenayo Liibiya si ay uga dagaal galaan

Cabdi Cade

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal dad kala duwan lagu soo qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade