Dowlad degaanka Soomaalida oo deeq balaaran ku taageeray ciidamada Itoobiya (Sawirro)

Golaha Fulinta Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa maanta yeeshay kalfadhigii 4aad, waxaana kulankan shir gudoominayay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

Kulankan ayaa looga dooday laba Ajande oo kala ah taageerada howlgalka Ciidanka Itoobiya iyo caawinta shacab ku waxyeeloobay dab ka kacay Qabribayax, Baarray, Wajaale iyo Gobyarray.

Madaxweynaha DDS oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in amniga deegaanka uu aad u wanaagsan yahay isla markaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo, waxaana uu xusay in Bulshada looga baahan yahay in ciidamada amniga la shaqeeyaan si looga hortago wax kasta oo amniga wax u dhimi kara.

Golaha fulinta ayaa taageera u muujiyay howlgalka Ciidamada Itoobiya ee ka dhanka ah TPLF, waxayna ugu deeqeen lacag gaareysa 10M oo bir iyo 2,000 neef oo geel ah.

Dhinaca kale, xarunta Madaxtooyada Jigjiga waxaa lagu qabtay munaasibad xushmad iyo taageero loogu muujinayo ciidamada Itoobiya, Waxaana ka qayb galay Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo golaha wasiirada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -