Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowlada oo gacanta ku dhigay nin weerar ka geestay magaalada Muqdisho

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Nin la sheegay in bam gacmeed ku tuuray Waaxda Horseed ee degmada Yaqshiid, waxaana qaraxaasi bambaano ku geeriyooday askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa sheegay in ciidanka booliiska ku guuleesteen in ay soo qabtaan nin weerar bambaano ka geestay degmada Yaqshiid.

Waxa uu sheegay Tuulax in ninkan lasoo qabtay bambaano ku tuuray bar ay joogeen ciidanka booliiska kuna dilay halkaasi askari, waxa uuna tilmaamay in ciidanka howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen ninkii weerarka geestay.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir ayaa ka codsaday shacabka Muqdisho in ciidamada amaanka kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa dadka falalka amaan daro ka geesta magaalada Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa bishan ramadaan ka duwan bilihii hore, waxaana aad u yaraaday dilalka qaraxyada iyo weerarada kale ee Al Shabaab ka geesan jireen magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xogta kulan dhexmaray Ra’isul Wasaare Xamse iyo dhigiisa Dr. Mustafa Madbouli (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada dowladda oo qabtay nin hoggaamiye u ahaa koox burcad ah iyo xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade

Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Somalia oo War-saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---