Dowlada Itoobiya & Maamulka TPLF oo wadahadalkii ugu horeeyey la isugu keenayo

Magaalada Kambala ee dalka Uganda  ayaa waxaa maanta ka furmaya sida la filayo wadahadalo u dhaxeeya dowladda Itoobiya Maamulka TPLF sida uu warbaahinta u sheegay Mas’uul ka tirsan Xukuumadda Ugandha.

Wadahadalkan ayaa waxaa garwadeen ka ah Madaxweynaha Uganda Yuweri Kakuto Musavani, waxayna ujeedadoodu tahay in lagu soo afjaro dagaalka mudada labada todobaad ka socda gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya.

Dhinaca Adis Ababa ayaa waxaa wadahadalada ku matali doona Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya, halka Maamulka gobolka Tigray ay uga qeyb geli doonaan Ergo ay soo dirsadeen.

Wadahadalkan oo hadafkoodu yahay in lagu soo afjaro colaada ka taagan Itoobiya ayaan rajo badan laga qabin iney ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan, maadaama labada dhinac ay kala joogaan mowqifyo ay adag tahay in la isku soo dhoweeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -