(Sawirro) Shiinaha oo hakiyey dhismaha dekeda Lamu & sababta ka dambeysa

Shirkad Shiinaha laga leeyahay ayaa hakisay howlihii dhismaha dekedda Lamu ee dalka Kenya oo ah tan ugu wayn dalkaasi ilaa amar dambe.

Ilaa 2,000 oo ka mid ah shaqaalihii dhismaha ka wadey dekedda Lamu Port ee aadka ugu dhow xadka Somalia ayaa la fasaxay oo loo diray guryahoodii, sababo la xiriira dhinaca amaanka kaddib weerarkii saldhiga Maraykanka ee Manda Pay.

Dhismaha dekeddan ayaa muhim u ah dhaqaalaha Kenya, iyadoo Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay Kenya dhameysay wejigii 1-aad ee dhismaha dekeda oo ay ku baxday $320 million, dhismaha wejiga 2-aad ayaana hadda socda

Kenya ayaa doonaysa inay Lamu Port ka dhisto 32 terminal, si ay uga sara marto tartanka dekedaha laga dhisayo geeska Afrika, hase ahaatee weerarada lama filaanka ah ee Al-shabaab ayaa laga cabsi qabaa iney caqabad ku noqdaan mashruucan oo lagu dhisayo deyn laga helay heyaddo iyo dalal saaxiibo ah.

Weerarkii Al-shabaab ka fulisay saldhiga Manda Pay ee dalka Kenya oo lagu dilay askar maraykan ah ayaa weji cusub u yeelay amniga gobolka xeebta ee Lamu oo muhim ganacsi iyo mid dalxiis u leh dowlada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -