Biyo Qabad Weyn oo mudo kadib laga dhisayo magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dhismaha biyo qabad weyn oo loogu tala galay in xal loogu helo biyaha roobka ee fadhiista qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah  iyo laamiyada magaalada Muqdisho.
Biyo qabadkan oo laga hergilanayo dhabarka danbe Dugsiga 21 octobar ee Degmada Waaberi ayaa loogu tala galay in ay kusoo dhacaan Biyaha ka yimaada wadooyinka qaar ee Degmooyinka, Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Gobolka ayaa maanta soo kormeeray biyo qabadkan dhismihiisu socdo.
Cumar Filish ayaa balan-qaaday in maalmaha soo socda marka la dhameeyo biyo-qabadkaan uu culeyska ka dagi doono Magaalada, isaga oo sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay isku tashi iyo in xal loo helo Caasimada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameyn xoogan maalmahan ku yeeshay roobka da’aya , waxaana wadooyinka magaalada buux dhaafiyay biyo aad u badan halka wadooyin badan oo magaalada kuyaala ku bur bureen biyaha roobka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -