Allbanaadir.com
NEWS

Xidig caan ah oo usoo ciyaaray Arsenal iyo Barcelona oo ku biiray koox ka dhisan Jabuuti

Xidigii hore ee xulka Qaranka Cameroon iyo kooxaha Arsenal iyo Barcelona Alex Song ayaa ku biiray koox ka dhisan dalka Jabuuti, waxa uuna noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay oo usoo ciyaaray kooxahaasi oo ka ciyaara horyaalka Jabuuti.

Alex Song oo 33-sano jir ah ayaana labo sano oo heshiis ah la saxiixday kooxda kubada cagta ee AS Arta Solar 7, waxa uuna xidigan si bilaash ah uga soo tagay kooxda Sion ee ka dhisan  dalka Switzerland.

Xidigan oo magac weyn ku lahaa Caalamka ayaa sanado qurux badan kusoo qaatay kooxda Arsenal uu katirsanaa mudo 6-sano ah kahor inta uusan ku biirin kooxda Barcelana sanadkii 2012-kii, Song ayaana inta badan Barcelona ka helin fursado badan uu ku ciyaaro

Song wuxuu xulka Cameroon u ciyaaray Koobka Adduunka sannadkii 2010. Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa xulkii Cameroon ee ka qeyb galaya Koobka Qaramada Afrika ee 2010 isagoo ka mid noqday shaxdii ugu fiicneyd tartankaas.

Ciyaaryahankan ayaa noqonaya xidigii ugu magac weynaa ee ku biira Horyaalka dalka Jabuuti , lamana oga waxa uu xidigan kusoo kordhin doono kooxdan reer Jabuuti uu funaanadeeda ku ciyaari doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo saxiixay sharciga heyadda NISA iyo sharciyo kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Labo dal oo Dagaal xooggan u dhaxeeyo oo Maxaabiis badan oo dagaal is dhaafsaday

Cabdi Cade

Masuuliyiin katirsan dowada oo Raali galin ugu tagay Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---