Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka oo la ildaran caabuqa Coronavirus & Khayre oo ka hadlay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde) ayaa la sheegay in laga helay caabuqa Coronavirus, isagoo haatan ku xanuunsanaya Isbitaal ku yaalla Magaalada London.

Cudurka halista ee Coronavirus ayaa ku sii faafaya dalal badan oo ku yaalla caalamka, waxaana u dhintay in ka badan 10,000 oo qof halka boqolaal kun oo kalena ay la ildaran yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay xaalada Nuur Cadde, isagoo sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay qoyskiisa.

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’isul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & Shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook.

Kheyre ayaa ALLE uga baryay Nuur cadde inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -