Madaxweyne Farmaajo oo Saacado kadib ka hadlay Dilka Madaxweynihii Chad

Madaxweynaha  Soomaliya Mudane, Maxamed Cabdallaahi Farmaajo, ayaa saacado kadib ka tacsiyadeeyay Geerida ku timid Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby, oo lagu dilay dagaal ka dhacay Dalkaasi.

Farmaajo ayaana tacsi gaar ah u diray shacabka iyo dawladda dalka Chad , waxa uuna Madaxweyne Farmaajo tilmaamay in qaarada Afrika weysay hogaamiye weyn isagoona tilmaamay in Idriss Deby shahiiday isaga oo difaacaya qaranka iyo dadkiisa.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan ka tacsiyeynayaa hoggaanka iyo shacabka Chad geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby, oo dhintay shalay oo Talaado ahayd.”

Inta badan Madaxda iyo Hogaamiyaasha Qaarada Afrika ayaa si weyn uga naxay dilka Madaxweynihii dalka Chad oo geeriyooday maalmo kadib markii dib loo doortay markii lixaad, waxa uuna talada dalkiisa hayay mudo 30-sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -