Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

ilaalada Kim John-un iyo Afhayeenka Aqalka Cad oo isku dhacay (Daawo Sawirada)

Waxaa shalay xadka ay wadaagaan Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed kulan taariikhi ah ku yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Kuuriya Waqooyi Kim John-un.

Kulanka labada hogaamiye ayaa intii uu socday la sheegay in ay isku dhaceen Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka Stephanie Grisham iyo qaar kamid ah ilaalada gaarka ah ee Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Afhayeenka aqalka Cad ayaa la sheegay in xili ay dooneysay saxafiyiin Mareykan ah ay u gudbiso goob ay ku shirayeen Donlad Trump iyo Kim John Un in ay isku dhaceen ilaalada Kim John Un.

Muuqaal la duubay ayaa la arkayay Stephanie Grisham oo la hardameysa qaar lamid ah ilaalada Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, waxaana muuqaalka laga maqlayay Afhayeenka oo codsaneysa in la caawiyo.

Warbaahinta caalamka ayaa warbixino kala duwan ka qoray isku dhaca dhax maray Afhayeenka Aqalka Cad iyo ilaalada gaarka ah ee Kim John Un, waxaana muuqaalka dhacdadan laga duubay lagu baahiyay Warbaahinta iyo baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dr Maxamed Mascari oo Baaritaan ku sameeyay Malabka la isku cayiliyo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Uhuru Kenyatta oo amar siiyay qaar kamid ah Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya

Cabdi Cade

Siyaasi si adag uga fal celiyay Go’aankii lagu kala diray Guddigii Maaliyada Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---