Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

RW ku-xigeenkii hore ee Somalia oo ka degay Hargeysa ka dib cafis uu u fidiyey Muuse Biixi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, halkaasoo si weyn loogu dhaweeyay.

Maxamed Cumar Carte ayaa waxaa Garoonka dayuuradaha Cigaal ku soo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah eheladiisa oo ay muddo dheer ugu dambeysay.

Wararka ayaa sheegaya in RW ku-xigeenkii hore uu iska casilay kursigiisii xildhibaanimo ee baarlamanka Somalia, uuna ka tanaasulay fekerkii Soomaaliweyn.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa soo saaray booqashada ka hor qoraal uu cafis ugu fidiyey Maxamed Cumar Carte ka dib xiriir dhexmaray, taasoo suuragelisay inuu ku laabto Hargeysa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo muddo dheer ku sugnaa Muqdisho ayaa la sheegay iney arrintan ku qasabtay aabihii Cumar Carte Qaalib oo ku xanuunsanaya Hargeysa, kaasoo muddo sanado ah aysan is arkin

Hoos ka akhriso qoraalka Muuse Biixi cafiska ugu fidiyey Maxamed Cumar Carte Qaalib:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dr. Saciid Ciise: “Ma dhismi karo ciidan Soomaaliyeed haddii aan shacabka laga helin..”

Caydiid Ali

Wasiir Xoosh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Saxiixayaasha 135-ta oday

Cabdi Cade

Trump oo dhaqaalihii ka joojiyey WHO ka dib murankii dhexmaray isaga & Tedros

Caydiid Ali
Taboola Ads ---