Ciidamada Nabad sugida DF oo xabsi ku guray ganacsato iyo xiisad ka dhalatay

Ciidamada ammaanka DF ayaa ganacsato la soo kulmay Al-shabaab ku xiray degaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Ganacsatadan ayaa lagu qabtay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ay Al-Shabaab kala soo hadleen sidii cuno qabeynta looga qaadi lahaa degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maanta  la xiray dhamaan goobaha ganacsiga degmada Beled-xaawo, iyadoona arrintaasi looga soo horjeedo xariga ganacsatada ah.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Beled xaawo oo la xiriira xariga ganacsatada.

Dhawaan ayay aheyd markii odayaal la kulmay Al-Shabaab lagu xiray degmada Beled xaawo, markii lagu eedeeyay inay ka qeyb galeen munaasabad lagu caleema saarayay Nabadoon ay garwadeen ka aheyd Al-Shabaab.

Maamulka gobolka Gedo ayaa horey digniin u diray ganacsatada iyo dadka kale ee doonaya inay la kulmaan Al-Shabaab iney la kulmi doonaan ciqaab adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -