(Sawirro) Haween ilmo yar xaday oo lagu soo bandhigay Magaalada Kismaayo

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigay Haweeney ka tirsan Shabakad ka Ganacsado Caruurta taasoo xiligga lasoo qabanayay wadatay ilmo yar oo ay soo xaday.

Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Samiira Xasan Maxamuud oo Booliska baaritaano ku sameyeen ayaa sheegtay inay ka tirsaneyd Shabakad ka Ganacsada Carruurta yar yar, waxaana lala soo xiray haweeney kale oo ay sheegtay iney gacan ku siisay falkaas.

“Gabadhan ayaa igu tiri ilmaha qaad, waxayna ii tilmaantay meel hadii aan geeyo la iiga iibsanayo 5 kun oo dollar, markii aan geeyey halkii lagu balamayna 2 dollar ayaa la ii tuuray” ayey tiri Samiira.

Shamso Shiikh oo ah Haweeneyda kale ayaa beenisay hadalka Samiira, iyadoo sheegtay ineysan wax ku laheyn arrintan.

Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Degmada Kismaayo  Gaashaanle Warsame Axmed Geele oo Warbaahinta Dowlada la hadlay ayaa sheegay in Saldhigga Booliska Xaafadda Midnimo la soo gaarsiiyay kiis ah Wiil yar oo la xaday.

“Ciidamada Booliska waxay sameyeen howlgalo lagu baadi goobayo Wiilka yar intii uu socdy baaritaanka ayaa waxa helnay xog sheegaysa in Wiilka Magaalada laga saaray” ayuu yiri Gaashaanle Warsame Axmed Geele.

Sido kale Taliyaha waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska oo kaashanaya shacabka ay soo qabteen Haweeney wadatay Wiilka isla markaana laga soo qabtay meel 5 kiilo mitir u jirto Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

“Haweenayda markii aan waraysanay waxay inoo sheegtay in cunuga la rabay in laga ganacsado isla markaana loo balan qaaday in la siinayo 5 kun oo dollar” ayuu yiri Gashaanle Warsame Axmed oo intaas ku daray in ilmihii yaraa ee la soo xaday lagu wareejiyey waalidkii dhalay.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili kooxo ka Ganacsada Carruurta ay mudooyinkan danbe ku soo badanayeen bartahamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -