Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Cilad maanta ku timid Internetka

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay cilad dhinaca Internetka oo ku timid Qaar kamid ah shirkadaha bixiya adeega Internetka ee xaruntooda tahay Muqdisho.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur aya sheegay in ay bilaabatay cilad bixinta xariga Viber Obtic oo horey cilad hugo timid, waxa uuna xusay in si deg deg ah look so gabagabeyn done cilad bixintaas.

Balkan ka akhriso Qoraalka Wasiir Canshuur

Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda waxa ay uga mahadcelinaysaa Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabtey baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.

 

- Advertisement -