Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa wadamadda Khaliijka Carabta ka codsaday in ay kordhiyaan wax soo saarkooda gaaska dabiiciga , si looga maarmo gaaska dalka Ruushka soo saaro.
Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Ruushka doonayo in Gaaska Dabiiciga iyo tamarta uu doonayo in uu u adeegsado hub ahaan, waxa uuna Wadamadda Carabta ugu baaqay in ay kordhiyaan wax soo saarkooda gaaska dabiiciga si Ruushka adduunka ugu gumeestaan.
Mr Zelensky ayaa shirka Doxa farriin muuqaal ah ugu sheegay in mustaqbalka Yurub uu ku xiran yahay dadaalka ay waddamada Khaliijka u sameeyaan sidii Ruushka loo fana siin lahaa in uusan gaaska u isticmaalin nooc rakaateyn ah.
Dowladda Ruushka ayaa wax soo saarkeeda gaaska iyo saliida waxaa ku tiirsan wadamada reer Galbeedka, waxaana duullaanka Ruushka ku qaaday Ukraine ka dhashay in xayiraada la saaro Ruushka taas oo dhalisay in saro u kacaan qiimaha Saliida iyo shidaalka caalamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com