Madaxweynaha Somalia oo dalab xasaasi ah u diray dowlada Maraykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dowlada Maraykanka ka dalbaday inaan la carqaladeyn xiriirka qotada dheere ee ka dhexeeya labada dal.

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa Mareykanka ugu baaqay inuu sii wado la dagaalanka Al-shabaab oo dagaal xooggan kula jira dowladda Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo ciidanka xoogga dalka.

“Taageerada milatari ee Mareykanku siiyo Soomaaliya waxay noo suurta gelisay inaan si hufan ula dagaallano Al-Shabab una sugno amniga Geeska Afrika. Guul laga gaaro safarkan iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa lagu gaari karaa oo keliya iskaashi joogto ah oo xagga amniga ah,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalka Farmaajo ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Ka saarista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii u u ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu ciidamada Mareykanka ee dagaallada kala duwan u jooga caalamka uu ku soo celin doono dalkooda.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaasoo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya iyo fulinta howlgalo gaar ah oo ka dha ah Al-shabaab, Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -