Mid ka mid ah dowladaha caalamka oo dalkeeda ka mamnuucday Qaxootiga dalal ay Somalia ku jirto

Dowladda Australia ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Iiran ay ka saartay liiska Dalalka codsan kara mashruuca dadka     soo galootiga ah ay dib u dejinta uga helayaan     dalkaasi.

Muhaajiriinta ka yimaada siddeed dal ayay dowladda Australia sheegtay in loo kala horumarin doono mid ka mid ah Barnaamijyada dib u dejinta Qaxootiga ee Australia, waxayna  muwaadiniinta kale u sheegeen in codsigooda aysan u badnayn in la aqbalo.

Wargeyska The Guardian ayaa ogaaday in dalalka mudnaanta leh ay kala yihiin Congo DR, Afgaanistan, Eritrea, Ethiopia, Myanmar, Bhutan, Syria iyo Ciraaq, iyadoo wadamo dhowr ah oo horay loogu tixgeliyay Barnaamijka dib u dejinta hadda laga saaray, sida Koonfurta Sudan, Soomaaliya iyo Iiran, awoodna uma yeelan doonaan iney codsadaan dib u dejinta dadka soo galootiga ah ee dowladda Australia  bixiso, iyadoo aan la sheegin sababta.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Australia ayaa sheegay in mudnaanta Mushruuca bini-aadanimo ee Australia qeybna ka ah Mashruuc lagu taageerayo Bulshada uu yahay mid sanad kasta ay go’aamiso dowladda.

Tallaabadaan ayaa waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah Hogaamiyaasha caalamka iyo waliba Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha,iyagoo ku tilaamay Midab takoor cad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -