Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo xariga ka jaray Xarun Wasaarad oo dib u dhis lagu sameeyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xariga ka jaray dhismaha Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay.

Xarunta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo ku burburtay dagaalladii dalka ka dhacay ayaan lagu shaqeyn muddo dheer , waxuna Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyey masuuliinta iyo shaqaalaha Wasaaradda dib u dhiska xarun muhiim u ah dowladnimada.

Eng. Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto beeraleyda Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaata koboca iyo wax soo saarka dalka, maadaama la howlgaliyey xarunta wasaaradda beerahana ay soo laaban doonto doorkeeda kaga aaddan horumarinta beeraleyda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay maalinta beeraleyda Soomaaliyeed, guud ahaan beeraleyda dalka, isaga oo ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan horumarinta wax soo saarka beeraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal ka tirsanaa Booliska DF oo lagu dilay agagaarka taalada Daljirka dahsoon

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaalo maanta ka dhacay gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali

Jeneraal Odawaa oo Sabab u noqday in Ciidanka Huwanta ka baxaan Deegaanka Wabxo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---