Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Madaxweyne Trump uu ciidamada Maraykanka ka saarayo Somalia?

Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Ka saarista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii u u ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu ciidamada Mareykanka ee dagaallada kala duwan u jooga caalamka uu ku soo celin doono dalkooda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa billowday inay qorsheyaal arrintan la xiriira u diyaariso madaxweynaha.

Wada-xaajoodyada arrintan ku saabsan ayaa waxaa qeyb ka ah la-taliyaha amniga qaranka Robert O’Brien, Wasiirka Gaashaandhigga Mark Esper, iyo taliyaha guud ciidamada Mark Milley, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaasoo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya iyo fulinta howlgalo gaar ah oo ka dha ah Al-shabaab, Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faransiiska iyo Jarmalka oo la wareegay Maraakiib Ruushka laga leeyahay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ku-simaha madaxweynaha oo arrimo muhiim ah kala hadlay masuuliyiin ka socotay Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Guddoomiye degmo oo xilka laga qaaday & Mid cusub oo la Magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---