Kenya oo shuruudo ku xirtay in ciidankeeda ka baxaan gudaha Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa meesha ka saartay warar soo baxayay oo sheegayay in laga yaabo in ciidankeeda jooga deegaano katirsan Jubada Hoose iyo Gedo ay ka baxaan Soomaaliya dibna ugu laabtaan dalkooda.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya, Monica Juma, oo la hadashay Wargeys kasoo baxa gudaha Kenya ayaa sheegtay in xiligan qorshaha ugu jirin in ciidankooada ka baxaan  Soomaaliya.

Monica Juma, ayaana shuruudo ku xirtay in ciidankooda xiligan ka baxaan Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in wali ay taagan tahay baahidii markii hore keentay in ciidamada Kenya soo galaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada xadka kuyaala.

“Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.” ayey tiri Monica Juma.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya in dowlada Kenya xiliga dooneyso in ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya, waxaana horey marar badan usoo baxay in Kenya ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa amar la’aan bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha usoo galay Soomaaliya iyaga oon qeyb ka aheyn AMISOM si ay gudaha Soomaaliya ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo khatar ku hayay amniga gudaha Kenya  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -