Axmed Karaash oo la kulmay qoyskii uu ka baxay marxuum Cali Khaliif Galeyr (Sawirro)

Ku-Simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku qaabilay Muqdisho qoyskii alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore Cali Khaliif Galayr.

Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash ayaa qoyska la wadaagay dhambaal tacsiya, isagoo illaahay uga baryay inuu marxuumka janadii geeyo iyagana samir iyo iimaan alle kasiiyo.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa a galabta dib ugu laabtay Garoowe ka dib markii ay ka qeyb galeen aaskiii marxuum Cali khaliif oo shalay ka dhacay Muqdisho

Soo dhoweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland waxaa ka qeyb galay Xubno isugu jira labada Gole ee Dowladda iyo kuwa Madaxtooyada Garowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -